Xulka Denmark Oo Isku Qoray Taariikhda Tartamada Qaramada Qaarada Yurub Kadib Guushii Wales.

Xulka Denmark ayaa xasuuqay xulka Wales kulan ka tirsanaa wareega 16-ka tartanka Euro 2020 iyaga oo iska xaadiriyay wareega 8 Dhamaadka tartanka kadib guusha ay gaadheen.

Xulka Denmark ayaa guul 4/0 ah ka gaadhay xulka Wales iyaga oo noqday xulkii ugu horeeyay ee iska xaadiriya wareeg 8 dhamaadka tartanka Euro 2020.

Kadib guushaas xulka Denmark ayaa isku qoray taariikhda tartanka Yurub iyaga oo sameeyay taariikh uuna horay xul hore uga samayn tartanka.

Xulka Denmark ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee dhaliya 4 gool iyo wax ka badan laba kulan o xidhiidh ah tartanka qaramada qaarada yurub.

Denmark ayaa kulankii hore 4 gool ka dhaliyay xulka Russia halka ay kulankan 4 gool ka dhaliyeen xulka Wales sidaasna ku noqday xulkii ugu horeeyay ee 4 gool iyo wax ka badan dhaliyay 2 kulan oo xidhiidh ah tartanka Yurub.


Source: laacibfm

SHARE