Xulka Denmark Oo Kabaha La Dumaray Wales Sidaasna Ku Noqday Xulkii Ugu Horeeyay Ee Iska Xaadiriya Wareega 8 Dhamaadka Euro 2020.

Xulka Denmark ayaa ku dur-duriyay una awood sheegtay xulka Wales kulan ka tirsanaa wareega 16-ka tartanka Euro 2020 iyaga oo iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka.

Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah iyada oo uu xulka Denmark ahaa xulka fiican ciyaartana maamulayay xilli uu Xulka Wales ku dhibaatooday in uu u babac dhigo awooda xulka Denmark.

Daqiiqadii 27-aad ayuu xulka Denmark dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kasper Dolberg kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xulka Wales ayaa isku dayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan laakiin waxa ay ku dhbaatoodeen in ay xitaa sameeyaan wax fursado goolal laga dhalin karo qaybta hore ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu Xulka Denmark 1/0 ku hogaaminayo ciyaarta xilli ay sidoo kale soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ayuu xulka Denmark si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan si ay Wales uga hor istaagaan fursada ay ku soo laaban karaan.

Daqiiqadii 48-aad ayuu xulka Denmark sii dheeraystay hogaanka ciyaarta waxana mar kal gool u dhaliyay xiddiga Kasper Dolberg Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Wixii intaas ka dambe eeyay xulka Wales ayaa niyad jabay gabi ahaan waxana ay ka quusteen in ay fursad u haystaan ku soo laabashada ciyaarta.

Daqiiqadii 88-aad ayuu xulka Denmark dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Xiddiga Joakim Maehle kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 uu xulka Denmark ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Wales ayaa kaadhka cas ee toska ah looga taagay xiddiga Harry Wales waxana uu xulka Wales ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay ku dhamaystay 10 xiddig.

Daqiiqadii 90+4-aad ayuu xulka Denmark dhaliyay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Martin Braithwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 uu xulkiisu u hogaaminayo ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Denmark si xarago leh isaga xaadiriyay wareega 8 Dhamaadka tartanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE