Intee Marayaa Baacsiga Barcelona Ku Dooneysay Da`yarka Reer Denmark Ee Mikkel Damsgaard?

Ilo wareedyo ayaa qoraya in Barcelona u muuqdaan kuwo u dhaw in xagaagaan ku guuleystaan saxiixa wiilka reer Denmark iyo kooxda Sampdoria  ee Mikkel Damsgaard

Barca ayaa hamineysa in saxiixa  20 sano jirkaan ka ciyaara garabka helaan marka tartanka koobka qaramada Yurub uu dhamaado

Wargeyska Tutto Sport ayaa qoraya in Barcelona haatan dalab ula tageen kooxda reer Italy si xagaaga u helaan farsamadiisa .

Barcelona ayaa la xusayaa in sahal  ah aysan ku heli doonin Mikkel Damsgaard , waxa ayna kooxdiisa ku qiimeysaneysaa lacag u dhaxeysa 25 illaa iyo 30 milyan oo euro

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Barca hishiis shaqsiyadeed oo hor dhac ah ay haatan la gaareen laacibka iyo wakiilkiisa kaasi oo gaaraya in laga saxiixanayo hishiis dhan muddo 5 sano ah


Source: laacibfm

SHARE