Kooxda Manchester United Oo Markan Dareenkeeda U Weecisey Xiddig Muhiim Ah Oo Horyaalka France Ka Ciyaara (Tolow Waa Kee??)

Kooxda reer England ee lagu magacaabo Manchester United  ayaa lagu  soo waramayaa in ay  markaan tijaabinayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta ciyaaryahan Eduardo Camavinga.

Kooxdan lagu naaneyso Red Devils waxaa markaan ka go’an inay u dhaqaaqdo sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Camavinga.

Daily Mail wargeyska lagu magacaabo ee Ingriiska ka soo baxa  ayaa warinaya in Kooxda kubadda cagta Manchester United ay ka fiirsanayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta xiddiga Naadiga Rennes ee Eduardo Camavinga.

Kooxda Macalin Ole ayaa seegtay oo ku guuldarreysatay inay gacanta ku soo dhigto Jude Bellingham oo aaday Borussia Dortmund sanadkii la soo dhaafay, laakiin waxay u arkaan Camavinga mid ka beddel fiican.

SI kastaba xiddigan 18-sano jirkaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee mustaqbalka dhow leh ee qaaradda Yurub, isagoo horeba saddex jeer u saftay Xulka France.


Source: laacibfm

SHARE