Maxuu Ben White Ka Yiri Wararka La Xariirinaya Arsenal?

Wax qarsoon ma aheyn in Arsenal geed  dheer iyo mid gaaban u fuullayeen soo xero gilinta daafaca dhexe kooxda Brighton & Hove Albion ee Ben White

Laacibkaas waxa uu suuqa ka  joogaa 50 milyan oo gini xilli Arsenal diyaar u yihiin bixinta qiimahaas balse haatan laacibka ayaa ka hadlay sheekooinka la xariirinaya Arsenal

Sida muuqata laacibka hoos ayuu u dhigay in uu u wareegayo Arsenal ” ma  kala ogid waxa run iyo been ah , sidaa darteed ma jirto sabab aan uga hadlo” ayuu ka yiri Talk Sport

Sidaas oo ay tahay waxa uu qiray in wax fiican ay tahay in Arsenal lala xariiriyo

Warar kale ayaa sheegaya in laacibka uusan  dooneyn in uu ka hor dhaco wadahadalka u socda kooxdiisa iyo Arsenal balse shaqsiyan uusan diidaneyn in uu ku biiro Arsenal


Source: laacibfm

SHARE