Messi Miyuu Ka Tagayaa Barcelona Mise Waa Joogayaa??(Wararkii Ugu Dambeyey Ee Barcelona Iyo Isaga)

Kooxda reer Catalonia ee  Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarineyso qorshe dhasiyo badan kaa oo lagu dar-dar gelinayo  wadahadallada heshiis kordhinta ee Kabtankooxda Lionel Messi.

Camp Nou kooxda ka dhisan ayaa lagu soo waramayaa inay soo dadajisay wadahadallada heshiis kordhinta ee ay la leedahay Lionel Messi, iyadoo kooxda reer Catalan ay dooneyso inay heshiis waqti dheer ah ka saxiixato xiddiga reer Argentina.

Waqtiga Messi uu kula joogo Barcelona waxa uu ku eg yahay dhammaadka bisha June, laakiin waxaa loo maleynayaa in 34-sano jirkaan uu go’aansaday inuu sii joogo garoonka Camp Nou inkastoo uu isku dayay inuu kooxda ku qasbo bixitaan xagaagii hore.

Sida ay warinayso BBC Sport kooxda Tababare Ronald Koeman ayaa kor u qaaday heerka degdegga ee heshiis kordhinta Messi, maadaama ay ka go’an tahay inay ku dhawaaqaan heshiiskiisa ka hor inta uusan qandaraaskiisa haatan si rasmi ah u dhammaanin.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta uu haatan wadahadallo toos ah kula jiro Aabaha dhalay weeraryahankan ahna Wakiilkiisa ee Jorge Messi.


Source: laacibfm

SHARE