Aaron Ramsey Oo Mustaqbalkiisa Juventus Go’aan Ka Gaarey (Miyuu Joogayaa Mise Waa Uu Baxayaa??)

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal haatan ka tirsan kooxda Juventus ee dalka Taliyaaniga Aaron Ramsey ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu baaqi ku sii ahaado kooxdiisa xili ciyaareedka dambe kadib hadal heyn badan oo ku aadaneyn in uu xiddigu kooxdiisa isaga tagayo.

Xiddigaan reer Wales ayaa laba sanadood oo dhib badan ku qaatey kooxda ka dhisan magaalada Turin ee Juventus, isagoona dooqooda kowaad noqon waayey macalimiintii isaga kala dambeysey kooxdaasi ee kala ahaa Maurizio Sarri Iyo sidoo kale Adrea Pirlo.

65 kulan oo uu Juventus ka soo muuqdey xiddigan 32 kulan oo kamid ahi waxaa uu ahaa mid bedel ku soo galay, taas oo ah mida keentey in la hadal hayo in xiddigan uu gabi ahaanba geedi ka yahay kooxdiisa Juventus.

Si kastaba Sky Sports News ayaa sheegaysa in Ramsey uu diyaar u yahay in uu baaqi ku sii ahaado kooxdiisa isagoona raja ka qaba in uu fursad ka heli doono macalinkooda cusub Massimiliano Allegri.

Iyadoo weli ay qandaraaskisa waqti uga harsantahay hadaana waxaan la ogeyn in kubad abuurahan uu fursad ka heli karo macallin Allegri iyo in uu niyad jab kale uu ka soo qaadi doono taa oo ku qasbi karta in uu kooxda isaga tago bartamaha xili ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE