Kooxda PSV Eindhoven Oo Heeggan Gilisay Kooxaha Doonaya Donyell Malen, Liverpool Ayaa Ugu Horeeysa

Madaxa kooxda PSV Eindhoven ee horyaalka Holland ayaa shaaca ka qaaday in diyaar u yihiin in xagaagaan iibiyaan xiddigoodaDonyell Malen xilli Liveprool ay si weyn u baadi goobeyso saxiixiisa .

Weeraryahankaas ayaa si wacan ula soo muuqday qarankiisa Holland ee  tartaanka Euro oo ay xalay ka hareen ka dib laba gool oo nadiif ah oo looga badiyay
Shabakada NOS ee Holland ayaa qoreysa in kooxda PSV Eindhoven haatan cadeeyeen in ay dhageysanayaan dalabyada laga keenayo da`yarkooda
Laacibkaas 22 sano jirka horyaalka Ingiriiska ayaa si weyn ooga doonayaa waxaana ugu cad Liverpool xilli qiimihisa suuqa uusan  ka yaraan doonin 50 milyan oo euro

Donyell Malen ayaa xilli ciyaareedkii hire u dhaliyay kooxdiisa 27 gol dhamaan tartamada, waxa uuna kooxda koowaad marki ugu horeeysay la soo muuqday sanadkii 2018-da


Source: laacibfm

SHARE