Arsenal Oo Xiddig Cusub Ka Soo Wadda Real Madrid , Hal Arin Ayaan U Fududeyneysa

Arsenal ayaa albaabka u garaaceysa Real Madrid waxa ayna ka doonayaan xiddig heer ciyaareed wacan ku soo muuqday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay

Miguel Gutiérrez ayaa laga soo dallacay da`yarta Real waxa uuna macalinkii waqtigaas ee Zidane uga gon lahaa in uu ku daboolo baahida garabka bidix ka dib dhaawacyo ay ka sheegteen ciyaartooydii halkaas looga tiirsanaa.

Dhowr koox Ingiriiska ah ayaa horay u xiiseyayay 19 sano jirkaas waxaana haatan si toos ah ugu soo biirtay Arsenal

Haatan warbaahinta Spain ayaa sheegeysa in Real aysan diidi doonin in amaah Arsenal ku siiyaan Miguel Gutiérrez .
Da`yarkaas ayaa hishiiskiisa Real waxa uu dhacayaa 2024-ka waxaana lagu bur burin karaa aduun dhan 40 milyan oo euro
Maadaama Marcelo iyo Mendy xilli ciyaaredka dambe joogayaan , Real waxa ay laacibkaan u dirayaan si uu u soo helo qibrad dheeraad ah

Arinta fududeyneysa in Arsenal  helaan Miguel Gutiérrez ayaa ah xariirka Real kala dhaxeeta oo ay horay uga amaahdeen Dani Ceballos iyo Odegaard


Source: laacibfm

SHARE