Ka Dib Markii Qarankiisa Ku Hogaamiyay Wareega 8-da Euro 2020, Liverpool Mustaqbalka Shaqiri Ayay Ka Hadleen

Liverpool ayaa lagu waramayaa in ay shaaciyaan qiimaha ay uga kaaftoomi karaan xiddigooda Shaqiri kaasi oo aad looga doonayo suuqa xagaaga

Laacibkaas ayaa ku fashilmay in booska ku cariirsado Firminho , Salah , Jota iyo Mane , waxa uuna Shaqiri sheegay in mustaqbalkiisa Liverpool uu ka hadlayo marka koobka qaramada Yurub uu soo dhamaado.

Liverpool Echo ayaa soo xiganeysa in RedsĀ  diyaar u yihiin in ay dhageystaan dalabyada laga keenayo laacibka waxa ayna ku qiimeysteen aduun dhan 13 mlyan oo gini

Shaqiri ayaa hishiiskiisa haatan ee Liverpool waxa uu dhacayaa 2023-ka waxa uuna xalay qarankiisa ku hogaamiyay wareegga 8-da tartanka euro 2020 ka dib markii rigooyaal ay ku garaaceen France
Waxaa la xusayaa in Shaqiri laga doonayo haatan horyaalka Talyaaniga kooxo kala duwan ayaa haminaya saxiixiisa


Source: laacibfm

SHARE