Koox Ingiriiska Ah Oo Juve Iyo PSG Kula Biirtay Xiisaha Miralem Pjanic

CHELSEA ayaa lagu waramayaa in ay ku sii biirtay xiisaha loo qabo Miralem Pjanic ka dib markii Barca u muuqdeen kuwo diyaar u ah in ay iibiyaan.

Kooxaha kale ee doonaya saxiixa Miralem waxaa ka mid ah kooxdiisa hore Juve iyo PSG

ESPN ayaa sheegeysa in qadkaas dhexe oo sanad ka hor ka yimid Juve u badan tahay in uu baxo waxaana u sabab ah isaga oo aan boos joogto  haysan

Barca oo dhibaato dhaqaale mareysa ayaa ka faa`ideysaneysa qiimaha suuqa uu ka joogo laacibka  , waxa uuna soo galay liiska ciyaartooyda laga taqalusayo xagaagaan

Macalin Tochel ayaa la dhacsan lamana helin in dalab rasmi ah ka geeynayaan todobaadyada soo socda balse laacibka ma uusan qarin in uu doonayo in uu ka tago qalcadda Camp Nou


Source: laacibfm

SHARE