Maxuu Kylian Mbappé Ka Yiri Rigooradii Uu Qarankiisa Kaga Reebay Tartanka Koobka Q/Yurub

Kylian Mbappé ayaa ka hadlay rigooradii uu qarankiisa ka qasaariyay ee keentay in ay macsalaameeyaan tartanka koobka qaramada yurub

Switzerland ayaa rigooyaal ku reebtay France  taasi oo dhan 5/4 ka dib markii ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac min sedex gool ah

Mbappe ayaa qasaariyay laadkii ugu dambeeyay taasi oo qarankiisa ka reebtay tartankaas

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ” xaalad adag ayay aheyd , waa murugo in aan ka harnay tartankaan”

” Waan ka xumahay rigooradii aan qasaariyay , hurdo ma jireyso , balse tani qamaarka ciyaarta  waaye waana hab aan jeclahay”

Waxa uu intaas sii raaciyay ” waan ogahay taageerayasha ay niyad jabsna yihiin balse  mar waliba waxaan uga mahad celinayaa sida ay ii taagarayeen iiguna kalsoonaadeen”.
” Haatan muhiimada waxa ay tahay  in aan isu diyaarinno  waxa soo socda una hambalyayno Switzerland”


Source: laacibfm

SHARE