Real Madrid Oo Farta Loogu Fiiqay Badelka Varane, Macalin Ancelotti Ayaa Ishaartay

Ilo wareedyo  ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in macalinka cusub Real ee Ancelotti uu ku xasilay badelka Varane kaasi oo laga yaabo in uu ka huleelo kooxdaas inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Real u bandhigeen laacibka hishiis cusub balse dhankiisa lagama helin jawaab  walibana waxa  uu u muuqdaa  mid ka meer meeraya in qalinka iyo warqadda uu is dul saaro.

Daily Star ayaa haatan  sheegeysa in macalin Ancelotti uu maamulka kooxda farta ugu fiiqay badelka Varane kaasi oo jooga horyaalka Ingiriika

Macalin Ancelotti waxa ay kaga dhagan tahay daafaca kooxda Leicester City  ee Wesley Fofana kaasi oo soo bandhigay  heer ciyaareed aad u wacan

Leicester City  waxa uu laacibkaas ugu fadhiyaa 35 milyan oo euro  xagaagii hore ayay kooxda reer Farnce ee Saint-Étienne ka keeneen
Sababta kale ee Ancelotti u door bidayo laacibkaan waxa ay tahay in uu leeyahay mustaqbal fog marka la eego da`iisa oo 20 sano jirka ah
Wesley Fofana ayaa u nugul in uu sii sameeyo hormar ,haatan waa lagu aamini karaa daafac adambe ee Real  sida uu aaminsan yahay macalin Ancelloti oo laacibkaan ku soo qiimeyay horyaalka Ingiriiska mudadi uu Everton uu joogay , lamana helin qiimaha ay damacsan yihiin in ay ka geeyaan


Source: laacibfm

SHARE