Halkee La Marayaa Gool Dhalinta Euro 2020 Kadib Dhamaadka Wareega 16-ka.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo Ayaa wali hogaaminaya gool dhalinta tartanka Euro 2020 kadib markii la soo afjaray wareega 16-ka euro-da sanadkan.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 5 gool kulamadii uu ciyaaray laakiin goolashiisa ayaa halkaas ku joogsan doona kadib markii xulkiisa laga reebay tartanka wareegii 16-ka.

Xiddigaha ugu soo dhaw Cristiano Ronaldo ayaa ah Patrik Schick, Karim Benzema iyo Emil Forsberg laakiin kaliya xiddiga Patrik Schick ayaa dhaafi kara Ronaldo maadama uu wali xulkiisu ciyaarayo tartanka.

Sidoo kal xiddigaha Haris Seferovic, Sterling, Lukaku iyo Sarabia ayaa fursad u haysta in ay gaadhaan Ronaldo maadama ay wali ciyaarayaan tartanka sidoo kale leeyihin min 3 gool.

Halkan Kaga Bogo Gool Dhalinta Tartanka Euro 2020:


Source: laacibfm

SHARE