RASMI: Isku Aadka Wareega 8 Dhamaadka Coma America Oo La Soo Saaray Argentine & Brazil Miyay Isku Aadeen.

Tartanka Copa America ayaa dhankiisa galay wareega 8 dhamaadka kadib markii la soo afjaray wareega Group-yada iyada oo 8 xul boorsooyinkooda ka qaateen tartanka.

Xulalka ugu cad-cad tartanka ee Brazil iyo Chile ayaa wareegan isku aaday iyaga oo midkood u bixi doono wareega Semi-final-ka tartanka Copa America 2021.

Xulka Argentine ayaa dhankiida ku aaday xulka Ecuardor kulan adag oo si weyn loo sugayo iyada oo Lionel Messi iyo Asxaabtiisu isha ku hayaan wareega Semi-final-ka.

Dhanka kale xulalka Uruguay iyo Colombia ayaa fooda isku dari doona wareegan si ay u helaan boos wareega Semi-final-ka tartanka Ah.

Waxa xusid mudan in xulalka ugu tunka weyn qaarada Southa America ee brazil iyo Argentine ku kulmi doonaan Semi-finalka tartanka hadii ay soo kala dhaafaan xulalka ay 8 dhamadka ku aadeen.

Copa America 2021: The Copa America knockouts: Who plays who? | Marca


Source: laacibfm

SHARE