Shabakada Kooxda Oo Saadaalisay Kulamada 8 Dhamaadka, Semi-final-ka & Final-ka Euro 2020, Ku Darso Fikirkaaa.

Waxa la gaadhay wareega 8 Dhamaadka tartanka Euro 2020 iyaga oo 8 kooxood isla ciyaari doonaan si ay ugu tartamaan gaadhista final-ka tartanka Euro 2020 .

Kulamada wareega 8 dhamaadka tartanka ayaa ah kuwo xiiso leh waxana ay taageerayaashu daawan doonaan kulamo xiiso leh oo euro 2020 ah wakhtiga soo socda.

Hadaba Shabakada Kooxda ayaa samaysay saadaasha kulamada 8 Dhamaadka, Semi-final-ka iyo Final-ka tartanka Euro 2020.

Shabakada Kooxda ayaa saadaalisay in xulka Italy ka badin doono xulka Beluim iskana xaadiri doonto Semi-final-ka tartanka euro 2020 ee sanadkan.

Isla shabkada ayaa saadaalisay in uu xulka Spain ka badin doono xulka Switzerland  iskana xaadirin doonaan Semi-final-ka tartanka ka hor inta uuna Xulka Italy iska xaadirin Final-ka tartanka Euro 2020 kana badin doono xulka  Spain.

Dhanka kale Shabakada saadaalisay in uu Xulka England garaaci doono xulka Ukraine halka xulka Czech Rebuplic garaaci doono xulka Denmarka labadooduna ku kulmi doonaan Semi-final-ka iyada oo xulka England garaaci doono xulka Czech Rebuplic Sidaasna isaga xaadirin doono Final-ka.

Xulalka Italy iyo England ayaa ku kulmi doona Final-ka tartanka Euro 2020 waxana koobka ku guulaysan doona xulka Italy.


Source: laacibfm

SHARE