DEG-DEG: Borussia Dortmund Oo Xaqiijisay In Uu Jadon Sancho Ku Biirayo Man United.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay in ay kooxda Man United kala heshiisay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Jadon Sancho kaas oo ku biiri doona Red Devils suuqa xagaagan.

Agaasimaha Kooxda Borussia Dortmund ee Watzke ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Dortmund Man United heshiis kala gaadhay saxiixa xiddiga reer England ee Jadon Sancho.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa jirta heshiis aan Man United kala gaadhnay Jadon, waxa ay ahayd go’aanka Sancho in uu ku biiro United”.

“Waxaan heshiis guud la gaarnay Manchester United kaas oo ku saabsan Jadon Sancho, wali waxa aan sugaynaa dhamaystir buuxa maadama aan wali lagu heshiin qodobada qaar iyo in uu wali xiddiga u hadhsanyahay tijaabada caafimaadka”.

“Waxa aan jeclayn in aan sii haysano xiddiga, kuma faraxsanin lacagta aan ku iibinay laakiin waxa aan ka xunahay in uu Sancho naga tagayo”ayuu sii raaciyay.

Sancho ayaa noqon doona saxiixa 3-aad ee ugu qaalisan kooxda Man United isaga oo ku fadhiya 85 milyan marka xitaa lagu daro lacagaha gunooyinka ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.


Source: laacibfm

SHARE