DEG-DEG: Nuno Tavares Oo Soo Gaadhay London Si Uu Tijaabada Caafimaadka Ugu Maro Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Benfica ee Nuno Tavares kaas oo noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga Nuno Tavares haatan ku suganyahay magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Arsenal.

Xiddiga Nuno Tavares ayaa xalay soo gaadhay magaalada London waxana uu haatan tijaabada caafimaadka ku marayaa garoonka tababarka Arsenal waxana la filayaa in saxiixa xiddiga lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Xiddiga Nuno Tavares oo 21 jir ah ayaa ogolaaday in uu Arsenal u saxiixo heshiis uu kooxda kula joogi doono ilaa xagaaga 2026 kadib markii ay Gunners dalabka ka gudbisay.

Kooxda Arsenal ayaa mar horeba kooxda Benfica kala heshiisay saxiixa xiddiga kadib markii ay Gunners ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 8.6 milyan iyo waliba 1.4 milyan oo Guno ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.


Source: laacibfm

SHARE