Halka Uu Sergio Ramos Ka Gali Karo Shaxda PSG

Kooxda PSG ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Sergio Ramos kaas oo heshiis la gaadhay Kooxda reer Spain kaas oo xor ah kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa ka tagay Real Madrid 16 sano oo uu joogay kooxda Los Blancos waxana uu raadinayaa koox cusub oo uu ku biiro xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu ogolaaday heshiis hal sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda PSG kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid.

Kooxda PSG ayaa dhisaysa koox xilli ciyaareedka dambe u tartanta koobabka xilli ciyaareedka dambe waxana uu Sergio Ramos ka mid yahay xiddigaha ay ku dhisayso kooxdaas.

Image


Source: laacibfm

SHARE