Kylian Mbapp Oo Heegan Galiyay Real Madrid & Liverpool Kadib Go’aan Uu Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa

Xiriirka Kylian Mbappe iyo kooxdiisa Paris Saint-Germain ayaa gaaray meel xun kadib markii uu xiddiga reer France maamulka Kooxda ku war galiyay go’aankiisa ku aadan mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay wargayska L’Équipe, Mbappe ayaa maamulka Kooxdiisa PSG u sheegay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda laakiin uu Ixtiraami doono heshiiska kula jira kooxda ee dhamaan doona xagaaga dambe.

Heshiiska Kylain Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona xagaaga 2022 oo ku beegan dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid iyo Liverpool kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer France si ay ugu xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah PSG Waxana ay ku qasbaysaa in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaagan halka ay qaab xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.


Source: laacibfm

SHARE