DEG-DEG: Man United Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii 2-aad

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixeedii 2-aad ee suuqa xagaaga iyaga oo dhamaystiray saxiixa Goolhayaha Tom Heaton.

Goolhaye Tom Heaton ayaa qalinka u duugay heshiis ilaa xagaaga 2023 ah isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee ay kooxdu ku dhawaaqdo saacado gudohood kadib markii ay shalay ku dhawaaqday saxiixa Jadon Sancho.

Goolhayaha ayaa kooxda Man United ugu soo biiray qaab xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda Aston Villa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Goolhayaha reer England ee Tom Heaton Ayaa ku soo laabtay Man United kadib markii uu kooxda u soo Ciyaaray intii u dhexaysay 2005 ilaa 2010 inkasta oo uuna wax kulan ah u safan.

Goolhaye Heaton ayaa noqon doona Goolhayaha 3-aad ee kooxda 1-aad isaga oo ka dambayn doona Goolhayayaasha Dean Henderson iyo David Dea Gea oo ah Labada Goolhaye ee 1-aad iyo 2-aad.


Source: laacibfm

SHARE