Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Xiishii Man United Ee Dominic Calvert Lewin?

Man United ayaa lagu waramayaa in ay diyaar u tahay dalab ay ka geeyaan weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert Lewin inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Laacibkaas 24 sano jirka ah ayaa haataan qarankiisa Ingiriiska kala qeyb galaya koobka qaramada Yuurb waxa uuna kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay 21 goo ka dib 39 kulan dhamaan tartamada

Dhowr koox kale ayaa isha ku haysa waxaana ugu cad Real Madrid iyo Arsenal kuwaasi oo aan qarin xiisaha ay u qabaaan.

Si waliba , wargeyska The Sun ayaa sheegaya in United dhabnka tahay kana go`an tahay in dalab rasmi ah ka geeyaan marka  tartanka qaramada Yurub uu soo dhamaado , waxa ayna  rumeysan yihiin in Lewin uu uga sahlan yahay xittaa dhanka qarashka in ay la soo wareegaan Harry Kane kaasi oo isna ay xiiseynayaan.

Warka waxa uu intaas ku darayaaa in United xittaaa xiddigo ka tirsan o qaranka ku maqan kula taliyeen in ay qeyb ka noqdaan qal qaalada soo xero gilinta Lewin


Source: laacibfm

SHARE