Liverpool Miyay Ka Baaqsatay In Ay La Soo Hishiiyaan Badelka Wijnaldum-ka Ka Huleelay?

Shabakada Liverpool Echo ayaa daboolka ka qaadeysa in Liverpool aysan ka laaban qorshihii ahaa in ay xagaagaan la soo hishiiyaan qadka dhexe kooxda Brighton ee Yves Bissouma

Liverpool ayaa laacibkaan reer Mali u aragta badelka Georginio Wijnaldum kaasi oo u wareegay xagaagaan naadiga PSG

Macalin Klopp ayaaa weli u furan in uu dalab  uu ka geeyo 24 sano jirkaas waxa ayna warraka qaar leeyihiin ma jirayo dalab ay geynayaan illaa ciyaartooy iska fasaxaan sababa la xariira dhanka maalinyadda

Lverpool waxaa laga yaabaa in ay iibiyaan midkooda Xherdan Shaqiri, Harry Wilson ama Takumi Minamino si ka dib ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddigan Brighton

Yves Bissouma ayaa kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore u saftay 34 kulan dhamaan tartamada kaliyana waxa uu dhaliyay laba gool


Source: laacibfm

SHARE