Xulka Qaranka Italy Oo Garaacay Belguim Iskana Xaadiriyay Semi-final-ka Euro 2020

Xulka qaranka Italy ayaa iska xaadiriyay Semi-final-ka Euro 2020 kadib markii ay garaaceen xulka Belguim kulan xiiso lahaa oo uu xulka Italy mar kale muujiyay in uu ugu cad-cadyahay ku guulaysiga tartanka.

Xulka Italy ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo bilowgii ciyaartaba ku bilowday qaab dar-dar leh iyaga oo ka awood batay xulka Belguim kuwaas oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Xulka Azzurri ayaa daqiiqadii 13-aadba dhaliyay gool kadib markii uu daafaca Bonnuci goolka dhex dhigay kubada laakiin VAR ayaa goolkaas diiday sabab la xidhiidha Offside.

Xulka Italy ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen weerarka waalida ah ee ay ku qaadayeen xulka Belguim kuwaas oo aad moodo in ayna kulanka u soo galin in ay badiyaan.

Daqiiqadii 31-aad ayuu xulka qaranka Italy dhaliyay gool sax ah kadib markii uu xiddiga Nicola Barella xulkiisa u dhaliyay gool uu hogaanka ugu dhiibay xulkiisa.

Xulka Italy ayaa isla fursadii ku xigtay ku dhawaaday in uu hogaanka dheeraysto kadib markii uu xiddiga Chiesa ku dhawaaday in uu gool u dhaliyo xulka qarankiisa.

Daqiiqadii 44-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka 2-aad waxana gool waali ah u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Lorenzo Insigne kaas oo hogaanka u dheereeyay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Xulka Belguim ayaa daqiiqadii ugu dambaysay ee qaybta hore loo dhigay rikoodha waxana u istaagay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo u dhaliyay xulkiisa gool kana dhigay 2/1 uu ciyaarta dib ugu furay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah inkasta oo uu xulka Italy ahaa xulka Fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid kulul labada xulna waxa ay sameeyeen fursado inkasta oo uu xulka Italy ahaa xulka dar-darta badan waliba dhalin kara goolal 3 ilaa 4 gool ah.

Laakiin labada xul ayaan wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay sameeyeen fursado fiican oo goolal laga dhalin karay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Qaranka Italy iska xaadiriyay Semi-final-ka tartanka Euro 2020


Source: laacibfm

SHARE