Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Ay Arsenal Ugu Jirtay Ben White

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto inay dhamaystiri doonto saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Brighton ee Ben White inkasta oo ay kooxda Everton ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa haatan xulka qaranka England kala qayb qaadanaya tartanka Euro 2020 waxana uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Brighton xilli ciyaareedkii hore.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay White todobaadyadii ugu dambeeyay laakiin waxa dhawaan soo baxay warar sheegaya in ay Everton ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay football.london Gunners ayaa wali hogaaminaysa baacsiga loogu jiro waliba dhamaystirtay wax walba oo ku saabsan heshiiska lana sugayo inta uu xiddigu dhamaysanayo tartanka Euro 2020.

Wararka ayaa sheegaya in uu Ben White doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal halkii uu ku biiri lahaa kooxda Everton xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE