Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Ay Barcelona Ugu Jirtay Aymeric Laporte.

Kooxda Barcelona ayaa soo afjartay baacsiga ay ugu jirtay Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Manchester City Aymeric Laporte.

Taasi waa sida ay qortay SPORT oo sheegaysa in ay Barcelona ugu dambayntii soo afjartay rajadii ay ka qabtay saxiixa Laporte sabab la xidhiidha in ayna awood dhaqaale u lahayn in ay dhamastirto saxiixa xiddiga.

Laporte ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona isbuucyadii la soo dhaafay, inkastoo daafaca dhexe uu beeniyay wararkaas hadana waxa jiray warar sheegaya in ay Barcelona doonayso saxiixa daafaca dhexe.

Wargayska MEN ayaa sheegay in ay kooxda Man City diiday in ay isku badalasho xiddigo ah ku fasaxdo xiddiga maadama ay kaliya doonayaan lacag taas ah.

Taas ayaa keentay in ay kooxda Barcelona go’aansato in ay isaga hadho xiisaha xiddiga reer Spain ee haatan xulka qaranka kala qayb galaya tartanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE