La Ogaaday: Xiddigii Uu Jadon Sancho Waydiistay In Uu Ka Cawiyo Ku Biirista Man United Oo La Ogaaday

Xiddiga Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddiga ay isku dalka yihiin ee Marcus Rashford waydiistay in uu ka caawiyo ku biirista Man United xagaagii hore.

Xiddigii da’yarka ah ee reer England ayaa la xaqiijiyay in uu ku biiray kooxda Man United ka hor xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay Man United ogolaatay lacagta ay Dortmund doonayso.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa xagaagii hore doonayay in uu ku soo biiro kooxda Man United markaas oo ay Dortmund diiday in uu ku biiro Red Devils.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Sancho waydiistay Marcus Rashford in uu Agaasimaha kooxda ee Ed Woodward u sheego in uu bixiyo lacagta ay Dortmund doonayso si uu ugu biiro Man United.

Ugu dambayn Sancho ayaa xilli ciyaareedkii hore sii joogay kooxda Dortmund laakiin waxa uu xagaagan rumeeyay riyadiisii ahayd in uu ku biiro kooxda Man United.


Source: laacibfm

SHARE