Liverpool Oo Si Dhab Ah U Doonaysa Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Euro 2020.

Wargeyska Faransiiska, L’Equipe, ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay si firfircoon u raadineyso inay la soo saxiixato xiddiga reer Portugal, Renato Sanches inta lagu jiro suuqa Xagaaga.

Liverpool waxa ay wayday xiddiga khadka dhexe ee Georginho Wijnaldum kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda waxana ay suuqa ugu jirtaa badalkiisa oo ayna ilaa haatan helin.

Wargayska reer France ayaa sheegaya in ay Liverpool xiiso dhab ah u hayso saxiixa xiddiga reer Portugal kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay euro 2020.

Kooxda Lille ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Renato Sanches sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale oo uu sababay xanuunka Korona.

Kooxda ku guulaystay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore ayaa dalban doonta lacag dhan 40 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe ee dhaliyay halka gool.


Source: laacibfm

SHARE