Virgil Van Dijk Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Liverpool

Daafaca Liverpool Virgil van Dijk ayaa tilmaamay inuu diyaar u yahay kaqeybgalka kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka 2021/22.

Van Dijk ayaa ka maqnaa Garoomada tan ilaa bishii October ee sanadkii hore kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay intii lagu jiray kulankii Liverpool-Everton ee horyaalka premier League.

Van Dyck ayaa faallo ka bixiyay muuqaal fiidiyoow ah oo uu soo dhigay bartiisa “Instagram” oo uu ku qoray: “Diyaar garowga xilli ciyaareedka cusub”.

Daafaca reer Holland ayaa sii raaciyay”Inaad ka fikirto xilli ciyaareedka soo socda, taageerayaasha, iyo inaan mar kale ciyaari doono, halkaasoo aan rajeyneyno inaan guul la gaaro kooxda iyo xulka qaranka, waad ogtahay inay tahay wax farxad geliya”.

Liverpool Ayaa Si Weyn U Tabtay Maqnaanshaha Virgil Van Dijk Iyaga Oo Ku Fashilmay In Ay Difaacdaan Horyaalka Premier League.


Source: laacibfm

SHARE