WARBIXIN: Sababaha Uuna Ilaa Haatan Lionel Messi Heshiis Cusub Ugu Saxiixin Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa ka shaqaynaysa sidii ay heshiis cusub uga saxiixan lahayd xiddiga Lionel Messi kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Todobaadkan.

Barcelona ayaa ku jirta dhibaato adag oo dhanka dhaqaalaha ah waxana ay ilaa haatan ku dhibaatoonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Argentine.

Wargayska MARCA ayaa soo saaray warbixin uu ku shaaciyay sababaha ayna Barcelona ilaa haatan heshiis cusub uga saxiixan xiddiga Lionel Messi.

1.Qeexida dhaqaalaha iyo canshuuraha:

Messi ayaa doonaya in arinta cashuuruhu noqoto mid fiican oo qeexan maadama ay jirto lacago ka dambeeyay wakhtigii la bixin jiray sidaas darteed hadii uu heshiis cusub u saxiixo Barcelona waxa uu labada sano ee ugu dambaysa heshiiskiisa aadi doonaa horyaalka America.

Arintaas ayaa noqon doonta dhibaato halka lagu bixin doono cashuurta uu bixiyo marka uu helo lacagta uu ka helayo Spain arintana waxa ay ku dhici kartaa xiddig kasta oo aada dalka dibadiisa.

2.Shuruudaha lacag bixinta:

Sida iska cad Barcelona ayaan haatan haysan lacag badan waana sababta ay doonayso in ay isaga dirto xiddigaha kooxda qaar ka mid ah si ay u yarayso mushaharka ay bixiso, inta lagu jiro wadahadalada waa in ay go’aamiyaan sida ay u bixin doonaan lacagta sidaas darteed wali arintaas wax go’aan ah lagama gaadhin.

3.Balanqaadyo:

Messi ayaa doonaya in uu helo balanqaadyada ah in uu heli doono lacagta lagu heshiiyay marka uu heshiiska cusub saxiixo xitaa wakhtigan oo lagu jiro saamaynta xanuunka Korona sidaas darteed arintaas ayaa sabab u noqotay in ayna kooxdu wali heshiis cusub ka saxiixan xiddiga.

4.Lacagaha dib loo dhigay:

Mar kale waa arinta lacagaha uu Messi ugu shaqaynayo kooxda oo dhibaato ku ah heshiiska cusub, wakiiladiisu waxa ay arkeen waxa ku dhacay lacagta mushaharka ah ee uu xiddigu ku leeyahay kooxda waxana jirta lacag badan oo aanu xiddigu ka helin kooxda.

5.Mashruuca ciyaaraha:

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa doonaya in ay Barcelona noqoto koox u tartanta koobabka mar kale waxana uu doonayaa in uu ogaado mashruuca dhanka ciyaaraha ee ay kooxdu dajisatay saxiixyada ay kooxdu ilaa haatan samaysay ayaana war fiican u ah xiddiga.


Source: laacibfm

SHARE