William Saliba Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Kadib Markii Uu Mikel Arteta Ogolaaday In La Diro Xiddiga Suuqa Xagaagan.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa Marseille u doortay kooxda cusub ee uu amaahda ugu biirayo kadib markii uu Mikel Arteta go’aansaday in uu mar kale amaah ugu diro xiddiga xilli ciyaareedka dambe.

Guuners ayaa ku dhawaad 30 milyan oo euro ka soo bixisay Saliba laakiin xiddiga 20 jirka ah ayaan wali wax kulan ah u safan kooxda Gunners.

Saliba ayaa amaah ku qaatay kooxda Nice xilli ciyaareedkii hore waxana la filayay in fursad la siiyo xiddiga xilli ciyaareedka cusub ee soo socda.

Laakiin Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Saliba doortay in uu ku biiro kooxda Marseille xilli ciyaareedka dambe halkaasna ku soo qaato Amaah.

Kooxda reer France ayaa la sheegayaa in ay haatan Arsenal kala heshiisay saxiixa xiddiga iyada oo xiddiga ku qaadan doonta qaab amaah ah xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE