Chelsea Oo Talaabo Lama Filaan Ah U Qaaday Saxiixa Saul Niguez

Kooxda chelsea ayaa si lama filaan Ah Atletico Madrid wadahadalo ugala furtay xiddiga khadka dhexe ee Saul Niguez sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro Atletico Madrid xilli ciyaareedkii hore laakiin kooxda u saftay 33 kulan tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahaatee Saul oo uu heshiiskiisa Atletico Madrid dhici doono xagaaga 2026 ayaa ku bilowday 22 kulan isaga oo dhaliyay 2 gool mid kalena caawiye ka noqday.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano kooxda chelsea ayaa Atletico Madrid wadahadalo kala furtay xiddiga khadka dhexe iyaga oo wax ka waydiiyay helitaanka xiddiga.

Fabrizio Romano Ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid haatanba ku dhawdahay saxiixa badalka Saul iyaga oo ku dhaw saxiixa xiddiga Rodrigo de Paul kaas oo ay 30 milyan kala soo wareegi doonto Udinese.


Source: laacibfm

SHARE