Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Kulanka Spain Vs Italy Ee Euro 2020.

Tababaraha kooxda cusub ee Roma Jose Mourinho ayaa aaminsan in uuna xulka Qaranka Spain la awood ahayn dhigiisa xulka Italy ka hor kulankooda Koobka Qaramada Yurub Euro 2020.

Xulka qaranka Spain ayaa la ciyaari doona xulka Italy Salaasada kulanka 1-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka Euro 2020.

Mourinho oo arintaas kala hadlaya TalkSport ayaa yidhi”Xulka Italy kaliya ma aysan qaban wax qabad fiican laakiin waxa ay tartanka Euro soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah, waa kooxda ugu fiican”.

“Waxa ay haystaan xiddigo fiican kana mid yihiin daafacyo fiican, Bonucci iyo Chiellini waxay Ciyaari karaan iyaga oo indhaha isku haya, sababta oo ah waxa ay isla soo ciyaareen muddo sanado ah waana difaacyo awood leh, waxana ay dhaawac ku waayeen Spinazzola”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi ”Italy waxaay wayday xiddig aad muhiim ugu ahaa, waxana booskiisa ka ciyaari doona xiddiga Emerson kaas oo laftiisu ah xiddig fiican oo khibrad leh laakiin Spinazzola Waxa uu u ciyaaray qaab cajiib ah”.

“Anigu ma odhan karo waxa ay 100% gaadheen final-ka sababta oo ah waxa aan Ixtiraam weyn u hayaa xulka Qaranka Spain laakiin Xulka Spain ma lahan awooda uu xulka Italy leeyahay”.

“Waxa uu kulankoodu noqon doonaa ku celiska final-kii 2012-kii markaa oo uu xulka Spain bur-buriyay xulka Italy laakiin dadku waxa ay filayeen in uu xulka Italy badinayo kulanka”


Source: laacibfm

SHARE