XASAASI: Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Wadnaha Goysay Barcelona, Lionel Messi Ayay Dalab Rasmi Ah Miiska U Saartay.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Lionel Messi miiska u saartay dalab Rasmi ah xilli uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Xiddiga 6-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa bilaa koox ah kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Barcelona laakiin koxoda reer Catalan ayaa wali ku kalsoon in ay xiddiga heshiis cusub ka saxiixan doonto.

Si kasta ha ahaatee kooxda ayaa ku dhibaatoonaysa in ay horumar ka samayso wadahalada ay kula jirto xiddiga sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo taas oo ay kooxda PSG ka faa’iidaysanayso.

Sida laga soo xigtay AS, PSG ayaa miiska u saartay dalab qaali ah 34 jirkaan, kaasoo jeebkiisa ku ridi lacag ka badan midka ay Barcelona diyaarka ula tahay.

Wararka ayaa intaas ku darayaa in ayna kooxda PSG wax deg-deg ah ku jirin in ay dhamaystirto xiddiga maadama uu Lionel Messi diirada saarayo tartanka Copa America oo uu u ciyaarayo xulka qarankiia.


Source: laacibfm

SHARE