Chelsea Oo Arsenal Ku Cidhiidhinaysa Saxixia Ben White, Talaabo Rasmi Ah Ayay Qaadeen.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kula tartanto Arsenal saxiixa daafaca Brighton & Hove Albion Ben White.

Gunners ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay inay dhameystirto xiddiga Ben White kaas oo xulka qaranka England haatan kala qayb galaya tartanka Euro 2020.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga Duncan Castles, Chelsea ayaa xiriir la sameysay wakiilada Xiddiga si ay ugu diiwaan geliso xiisaha 23 jirkaan.

Isaga oo arintaas ka hadlaya Castles ayaa yiri: “Waxaan hadda fahamsanahay in Chelsea ay ku wargelisay xiisaha ay u qabaan saxiixiisa”.

“Chelsea waxay siin kartaa xiddiga champions league sidoo kale waa koox ka dhisan maagalada London sida Arsenal sidoo kale waxa ay u tartami kartaa premeir League”.


Source: laacibfm

SHARE