Faah-Faahinta Heshiiska Ay Man United la Gaadhay Raphael Varane Oo La Ogaaday.

Daafaca dhexe ee Real Madrid Raphael Varane ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis hor dhac ah la gaadhay Kooxda Manchester United si uu ugu biiro kooxda reer England inta lagu jiro suuqa xagaagan isaga oo ogolaaday heshiis 5 sano ah.

Red Devils ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay Varane inuu yahay bartilmaameedka daafaca dhexe ee xagaagan, kooxda ayaa la sheegayaa inay wadahadalo kula jirto Real Madrid si ay ugala heshiiso qiimaha lacageed.

Sida laga soo xigtay ABC Deportes, xiddiga reer France ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay kooxda Man United isaga oo ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii mushahar ahaan ugu qaadan doono 10.3 milyan sanadkii.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Red Devisl dalab 38.6 milyan euro ah ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Real Madrid ayaa doonaysa ugu yaraan lacag dhan 47.2 milyan euro si ay u fasaxdo xiddiga.

Varane oo xulka qarankiisa France kala qayb qaatay Euro 2020 ayaa doonaya in uu isaga tago Real Madrid si uu ugu biiro koox cusub kana ciyaaro tartan cusub suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE