Hordhac: Spain Vs Italy: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Semi-final-ka Euro 2020.

Xulalka Italy Vs Spain ayaa isaga hor iman doona kulanka 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Euro 2020 kulankaas oo ay labada xul u soo gali doonaan sidii ay isaga xaadirin lahaayeen final-ka tartanka.

Xulka Italy ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay iska xaadiriyaan final-ka tartanka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen tan ilaa markii uu bilowday tartanku.

Dhanka kale xulka Spain ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay sii wataan tartanka iskana xaadiriyaan final-ka Euro 2020 waliba dhaafaan xulka ilaa haaan ugu fiican ee Italy.

Kulanka: Spain Vs Italy

Tartanka: Euro 2020

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xulka Italy ayaa kaliya ka badiyay xulka Spain 2 jeer oo kaliya 14-kii kulan ee ugu dambeeyay Kulamadaas oo kala ah kulan saaxiibtinimo ah iyo kulan ka tirsanaa wareega 16-ka euro 2016.

Xulalka Italy iyo Spain ayaa kulmay 9 jeer kulamada Yurub iyo koobka adduunka iyada oo uu xulka Italy badiyay 4 kulan halka uu Xulka Spain badiyay hal kulan 4 kalena bar-baro ayay galeen.

Kulankan ayaa noqon doona markii 7-aad ee ay wada kulmeen xulalka Spain iyo Italy tartanka Yurub, Waxa intaas sii dheer in uu kulankan noqon doono markii 4-aad ee ay ku kulmaan wareega bug baxa iyada oo uu Spain badiyay 2 kulan halka uu hal kulan oo kale badiyay xulka Italy.

Xulka Italy ayaa gaadhay wareega Semi-final-ka tartamada waaweyn Euro/World cup kaliya xulka Germany oo 20 jeer iska xaadiriyay semi-final-ka ayaa ka badan halka ay 9 ka mid ah 11-kii kulan ee Semi-final-ka ay gaadheen final-ka tartanka.


Source: laacibfm

SHARE