Kylian Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo PSG & Sababta Oo La Ogaaday.

Xiddiga Kylian Mbappe ayayna u badnayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG Sida ay sheegayaan wararka.

Heshiiska xiddiga reer France ayuu hal sano ka hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda ku ciyaarta Parc des Princes waxana si weyn loo hadal hayaa mustaqbalkiisa kooxda reer France.

Inkastoo PSG ay ku adkeysaneyso in xiddigooda ugu muhiimsan aan loo ogolaan doonin in uu xagaagan ka tago kooxda sidoo kale kooxda reer France ayaan sidoo kale doonayn in ay qaab xor ah ku waydo xiddiga.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Xiddiga 22 jirka ah iyo maamulka PSG ayaan ku dhawayn in ay xal ka gaadhaan arinta.

Mbappe ayaa la sheegay inuu doonayo in uu kooxda PSG u saxiixo heshiis cusub laakiin doonayo in heshiiska lagu daro shardi u sahlaya in uu kooxda ka tago kuna biiro kooxda dalab fiican ka soo gudbisa.

Si kasta ha ahaatee kooxda PSG ayaa diidan dalabka Mbappe taas oo ka soo hor jeeda xeerka uu dhigay xidhiidhka kubada cagta France.


Source: laacibfm

SHARE