War Cusub Oo Laga Helay Mustaqbalka Cristiano Ronaldo Ee Juventus, Maxaa Soo Kordhay?

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis cusub u saxiixi karo Juventus inkastoo ay jiraan warar sheegaya in uu xiddiga reer Portugal doonayo in uu isaga tago kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa xagaagan.

36 jirkaan, oo dhaliyay shan gool afar kulan oo uu u ciyaaray xulkiisa Euro 2020, ayaa dhaliyay 101 gool 133 kulan oo uu u ciyaaray Juventus tan iyo markii uu ka yimid Real Madrid.

Heshiiska haatan ee Ronaldo ee Old Lady ayaa dhici doona xagaaga dambe laakiin waxa la sheegayay in uu doonayo in uu isaga tago inta lagu jiro suuqa xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayay Man United.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, wakiilka weeraryahanka Jorge Mendes ayaa haatan wadahadalo kula jira kooxda ka dhisan Turin si uu xiddigu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Wararka ayaa sheegay in uu xiddiga reer Portugal doonayo in uu mar kale ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or-ka waliba uuna ka rajo dhigin in uu ku guulaysto champions League isaga oo jooga Juventus.


Source: laacibfm

SHARE