Houssem Aouar Oo Heeggan Giliyay Arsenal , Liverpool Iyo Juve, Talaabo Lyon Ka Careysiiyay Ayuu Qaaday

Ilo wareedyo warbaahinta France  ah ayaa sheegaya in Houssem Aouar uu si ula kac ah uu ku seegay tababarka Lyon waxa uuna doonayaa in xagaagaan uu baxo .

Qandaraaska laacibka ee kooxda reer France ayaa dhacaya xagaaga 2023-ka , waxaana sii xoogeystay wararka tilmaamaya in uu baxayo

Falkaan waxa uu heeggan buuxa gilinayaa kooxaha u waalanaya saxiiixiisa ee ay ugu horeeyaan Liverpool , Arsenal , Tottenham ,Juventus iyo PSG

Laacbka isma xaadirin xeradada tababarka kooxdiisa ee ay ugu diyaar garoobayaan xilli ciyaareedka bilaabanaya dhawaan kaliya 1-dii bishaan ayuu tagay ka dibna lama arag .

Getfootball ee France waxa ay  soo xigteen in laacibka ku war giliyay saaxibadiisa in uu ula kac uga maqnaaday tababarka balse uusan xanuunsaneyn sida Lyon ay ku dhawaaqday.

Talabadaan waxa ay cirka ku shareereysaa in laacibka doonayo in kooxdiisa ku qasbo in ay dhageystaan dalabyada laga keenayo saxiixiisa

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Houssem Aouar uu ku careysan yahay Lyon oo aan ku guuleysan in saaxibkiisii kooxda Depay sii haystaan kaasi oo qaab xor ah ugu biiray Barcelona

Xagaagii hore ayuu laacibkaan doonayay in uu baxo xilligas Arsenal ayuu dhawaa balse ugu dambeyn waa uu fashilmay isku daygaas.


Source: laacibfm

SHARE