Kieran Trippier Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

Kieran Trippier ayaa ku adkeysanaya inuu weli si buuxda diirada u saarayo xulka qaranka England iyo tartanka Euro 2020 iyada oo uu xiiso ka helayo kooxda Man United.

Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno xiddig kale oo daafaca Midig ah xagaagan kaas oo la tartama xiddiga Aaron Wan-Bissaka.

Man United ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga Atletico Madrid laakiin waxa laga diiday dalabkii ugu horeeyay oo ahaa 10 milyanoo euro.

Da’yarkii hore ee kooxda Man City ayaa doonaya in uu ku soo laabto England waxana uu xiddigaha England u sheegay rabitaankiisa ku biirista Old Trafford.

Laakiin iyada oo England hal guul u jirto iska xaadirnta Final-ka euro 2020 xiddiga ayaa sheegay in uu kaliya diirada saarayo shaqada haatan.

“Waxa aan ku raaxaystay xilli ciyaareedkii Atletico ee aan ku guulaysanay La Liga”ayuu u sheegay The Guardian.

“Haatan waxa aan la joogaa xulka England waxana aan la ciyaaraynaa Denmark kaliya waxa aan diirada saarayaa arintaas kama fikirayo kooxaha la ila xidhiidhinayo”


Source: laacibfm

SHARE