Kooxda Rennes Oo Ku Qososhay Dalabka Man United Ku Doonayso Eduardo Camavinga

Rennes ayaa lagu soo waramayaa inay ku qosleen dalabka Man United ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa qabtay indhaha kooxaha waaweyn ee reer yurub kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kooxda Man United ayaana si dhba ah u doonaysa xiddiga xagaagan.

Xilluu heshiiska Camavinga ee Rennes dhici doono xagaaga dambe kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab 25 milyan ah oo ay ku doonayso xiddiga xagaagan iyada oo Red Devils aaminsan in ay kooxda Reer France aqbali doonto dalabkaas halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee sida laga xoo xigtay Get French Football News, kooxda Rennes ayaa ku qososhay wararka sheegaya in ay aqbali doonaan dalabka aadka u hooseeya ee koxoda Man United.

Kooxda Rennes ayaa diyaar u ah in ay ka iibiso kooxda ula timaada dalab lagu qanci karo iyada oo uu xiddigu xiiso ka helayo kooxaha Arsenal, Real Madrid, Juventus iyo xiddigo kale oo waaweyn.


Source: laacibfm

SHARE