Man City Oo Doonaysa Jack Grealish & 3 Saxiix Oo Cusub Suuqa Xagaagan.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu qorsheynayo inuu seddex saxiix cusub keeno Etihad Stadium xagaagan iyada oo kabtanka Aston Villa Jack Grealish hogaaminayo xiddigaha uu doonayo.

City ayaa xiiso u muujisay saxiixa Kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish kaas oo qaab ciyaareed fiican ka soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday premier League isla markaasna dhaliyay 6 gool 12 kalena caawiye ka noqday.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Citizens ayaa diyaar u ah inay 100 milyan euro ka bixiso xiddiga 25 jirka ah si ay u hesho saxiixiisa uguna xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Guardiola ayaa suuqa sidoo kale doonaya in uu ka keeno laab saxiix oo cusub kuwaas oo uu ku doonayo in uu ku buuxiyo xiddigo kooxda ka tagay ama qaar la filayo in ay ka tagaan kooxda.

Guardiola ayaa doonaya weeraryahan cusub oo uu doonayo in uu ku buuxiyo booska Sergio Aguero iyo daafaca dhexe oo cusub xilli la hadal hayo in uu Aymeric Laporte isaga tagayo kooxda halka uu doonayo sidoo kale daafac bidix kadib markii uu Benjamin Mendy dhaawacyo ku dhibaatooday.


Source: laacibfm

SHARE