Ramos, Varane, Camavinga, Coman, Messi, Ronaldo, Griezmann, Mbappe, Pogba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Daafaca Sergio Ramos Ayaa maanta oo Salaasa ah tijaabada caafimaadka u maraya kooxda PSG ka hor inta uuna si Rasmi ah ugu biirin kooxda (ESPN).

Man United ayaa ku dhaw in ay dalab 50 milyan ah ka gudbiso saxiixa daafaca dhexe kooxda Real madrid halka ay sidoo kale 25 milyan ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga (Marca).

Agaasimaha Kooxda Bayern Munich ee Oliver Kahn ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in uu kooxda ku sii hayo xiddiga Kingsley Coman inkasta oo uu xiiso ka helayo Liverpool (Mirror).

Kooxda PSG ayaa Dalab Rasmi ah miiska u saartay xiddiga Lionel Messi kadib markii uu todobaadkii hore dhacay heshiiskiisa kooxda Barcelona (Mail).

Kooxda Man City ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann hadii ay waydo saxiixa Harry kane (Mundo Deportivo).

Laakiin tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa sheegay in ay u badantahay in ayna kooxdiisu wax weeraryahan ah la soo saxiixan xagaagan (Mundo Deportvio).

Cristiano Ronaldo ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jira kooxda Juventus kadib markii uu go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (90min).

Kooxda Liveprool ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (ESPN).

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Otávio (Star).

Kooxda PSG ayaa wadahadalo la furtay wakiilada xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa indha-indheeyayaal u diri doonta kulanka caawa ee Italy iyo Spain iyaga oo daawan doona xiddiga Lorenzo Insigne (Area Napoli).

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa suuqa u gali doona weeraryahan cusub iyada oo ay u badantahay in ay kooxdu iibiso xiddigah Xherdan Shaqiri, Divock Origi & Harry Wilson (TalkTeam)

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga Antoine Griezmann u sheegtay in uu isaga tagi karo kooxda hadii laga soo gudbiyo dalab 50 milyan ah (El Chiringuito TV).

Xiddiga daafaca uga ciyaara Atletico Madrid ee Kieran Trippier ayaa doonaya in uu ku biiro Man United laakiin waxa uu sii joogi doonaa Atletico hadii kor loogu qaado mushaharkiisa (Marca).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Miralem Pjanic ayaa midkood ku biiri doona kooxaha Chelsea ama Tottenham (Marca).

Kooxda Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay midkood u dhaqaaqdo xiddigaha Man United iyo Liverpool ee Alex Telles & Kostas Tsimikas si ay ugu badalaan Ashley Young (Calciomercato).


Source: laacibfm

SHARE