Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Italy Vs Spain Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Caawa

Xulalka Italy iyo Spain ayaa caawa isku haleeli doona garoonka Wembley kulan ka tirsan Semi-final-ka euro 2020 iyada oo labada xulba isha ku hayaan iska xaadirinta final-ka tartanka sanadkan.

Labada xul ayaa kulan soo galaya iyaga oo aqoon buuxda isku leh marka loo eego in ay yihiin labada xul ee ugu badan ee isku arkay wareega Bug baxa tartaka euro-da sanadihii ugu dambeeyay.

Xulka Italy ayaa haysta koox cajiib ah kuna jiraan xiddigo fiican kuwaas oo wacdaro dhigay ilaa haatan tartanka Euro 2020 wax guuldaro ama bar-baro ahna aan la kulmin.

Dhanka kale xulka Italy oo baraarugay kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada ayaa kulamadii ugu dambeeyay qaab fiican soo bandhigay iyada oo xiddiguhu si fiican iskula qabsadeen.

Labada xul ayaa ku hubaysan xiddigo cajiib ah kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kulanka caawana ka dhici doonta mid xiiso gaar ah leh.

Hadaba ka hor kulanka waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada xul ka hor kulankooda caawa iyada oo la adeegsaday dhamaan xiddigaha xulalka u matalay tartanka ilaa haatan.

Xulka Spain ayaa kaliya laba xiddig ku leh shaxda isku dhafka ah ee labada xul halka uu xulka Italy ku leeyahay 9 xiddig kuwaas oo ah kuwa ugu fiican xulka Italy.


Source: laacibfm

SHARE