Barcelona Oo Koox Ingiriiska Ah U Bandhigtay Saxiixa Griezmann , Sababta U Fasaxayaan Waa Maxay

Barcelona ayaa lagu waramayaa in weeraryahankooda Griezmann u bandhigeen kooxda Chelsea , waxa ayna culeys ku dareemayaan mushaarkiisa oo aad u sareeya

Barca waxa ay qireen in dhibaato dhaqaale oo uu reebay Karoonaha ay ka sheeganayaan  taasi oo xittaa keentay in dib u dhac uu ku yimid hishiis kordhinta Messi kaasi oo qanadaraaskiisa uu dhamaaday bishii hore

Football London ayaa sheegeysa in Barca go`aan ku gaareen in ay ka taqalusaan mushaarka todobaaladaha ee 500 kun , waxaana laacibkaas haatan si dhab ah u dooneysa kooxda Chelsea

Arintaan ayaa imaaneyesa xilli Chelsea xagaagaan doonayaan in suuqa xiddigo cusub ka soo helaan waliba ah daafac, qad dhexe iyo weeraryahan waxaana sidoo kale lala xariirinayaa weeraryahanka Dortmund ee Haaland.

Griezmann ayaa Barca u saftay 51 kulan dhamaan tartamada ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay , waxa uu dhaliyay 20 gool. halka sedex caawinna uu sameeyay

Sidaas oo ay tahay Barca  ma shaacin qiimaha ay ku doonayaan  in Griezmann ku fasaxaan balse waa ka go`an tahay in ay iska diraan xagaagaan


Source: laacibfm

SHARE