Barcelona Oo Koox Premier Leageu Ah U Soo Bandhigtay Saxiixa Antoine Griezmann

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Antoine Griezmann kooxda ku guuleysatay Champions League ee Chelsea, iyadoo kooxda ay dooneyso inay yareyso mushaarka ay bixiso.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa dhanka dhaqaalaha waxana ay doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Lionel Messi kaas oo haatan xor ah.

Sida laga soo xigtay football.london, Barca ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Griezmann – kaasoo haatan qaata wax ka badan 500 kun ginni Todobaadkii waxana ay la xidhiidhay kooxda chelsea iyaga oo u soo bandhigay saxiixa xiddiga.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa la rumaysanyahay in uu taageere u yahay xiddiga 30 jirka ah waxana uu doonayaa in uu weeraryahan cusub la soo saxiixdo xagaagan.

Griezmann ayaa kooxda Barcelona u ciyaaray 51 kulan tartamada oo dhan waxana ay uu u dhaliyay 20 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 13 kale.


Source: laacibfm

SHARE