DEG-DEG: Sergio Ramos Oo Ku Baasay Tijaabada Caafimaadka PSG

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Sergio Ramos ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda PSG iyada oo uu xiddigu qarka u saaranyahay in uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda reer France.

Sergio Ramos ayaa qaab xor ah ugu biiraya biiraya kooxda PSG Kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda Real Madrid dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan xaqiijiiyay in uu Sergio Ramos ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda PSG isaga oo waliba haatan qalinka ku duugay heshiiska uu ugu biiraya kooxda PSG.

Isla saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu xiddiga reer Spain qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda reer France isaga oo noqon doona saxiixooda cusub.

Kooxda PSG ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga kadib markii la dhamaystiray wax walba oo ku saabsanaa heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka dhisan caasimada France.


Source: laacibfm

SHARE