England Mise Denmark? Alessandro Del Piero Oo Magacaabay Xulka Uu Doonayo In Uu Final-ka La Gaadho Xulkiisa Italy.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Italy ee Alessandro Del Piero ayaa sheegay in uu doorbidayo in uu xulkiisa Italy Final-ka Euro 2020 la ciyaaro xulka England halkii uu la ciyaari lahaa xulka Denmark.

Xulka Italy ayaa iska xaadiriyay Final-ka Euro 2020 kadib markii ay rikoodhayaal kaga badiyeen xulka Spain Salaasadii kadib markii ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro 1/1 ah.

Xulka Italy ayaa ah xulka ugu fiican tartanka Euro 2020 iyaga oo ilaa haatan aan wax guuldaro ah la kulmin xitaa aan bar-baro galin laakiin xiddigii hore ee xulka Italy Alessandro Del Piero ayaa sheegay in uu jecelyahay in uu xulkiisu ku aado xulka England Final-ka euro 2020.

Markii la weydiiyay xulka uu doonayo in uu Italy ku aado Final-ka euro 2020 ayuu Del Piero “Hagaag, anigu waxa aan doonayaa England sababo badan darteed”.

“Sababta ugu horaysa ayaa ah in uu England ku ciyaari doono garoonkooda sidaas darteed iyaga ayaa ugu cad-cad kulanka, laakiin in aad ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkaaga waxa ay ku siinaysaa awood wada shaqayn”.

“Sidoo kale xulka England waxa uu haystaa xiddigo fiican waana xul halis ah”.


Source: laacibfm

SHARE