Nacho Oo Si Kama Ah U Xaqiijiyay Bixitaanka Xiddig U Ciyaara Real Madrid.

Daafaca Real Madrid Nacho ayaa lagu soo waramayaa inuu si qarsoodi ah u shaaciyay in saaxiibka xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Isco kaas oo isaga tagaya inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa Real Madrid hogaamiyay tababarkii ugu horeeyay tan ilaa markii uu shaqada ka badalay Zinedine Zidane bishii la soo dhaafay iyada oo uu la shaqaynayo tababarka Antonio Pintus oo ka mid ah tababarayaasha ugu weyn ee la shaqayn doona tababarha.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Muuqaal tababarkii ay xiddiguhu qaateen ayaa la soo dhigay baraha bulshada kooxda waxana ku jira Nacho oo u jawaabaya Antonio Pintus Nacho wax ka waydiiyay isco isaga oo si maldahan u sheegay in uu xiddigu isaga tagayo kooxda.

Isco ayaa lala xidhiidhinayay muddo in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid iyada oo Ac Milan tahay kooxda sida dhabta ah u doonaysa saxiixa xidiga khadka dhexe.

Isco oo ay Real Madrid ku qiimayso 17 milyan ayaa kaliya 8 kulan ku bilowday horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isaga oo caawiye ka noqday 2 gool.


Source: laacibfm

SHARE